(Garoowe) 26 Jan 2019 – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaasoo ay caawa ku qabsoomayso munaasabadda caleemo saarka madaxwaynaha cusub ee Puntland Md Siciid Deni.
Waxaa xiran qaybo ka mid ah jidka dheer si loo hubiyo amaanka guud ahaan magaalada Garoowe oo daqiiqad kasta wixii haatan ka bilowda laga dhoowrayo MW Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa haatan magaalada soo gaarey madaxwaynihii hore ee Somalia oo haatan ah hoggaanka Xisbiga Himilo, Md Shariif Sheekh Axmed oo Nairobi kasoo duulay.
Haddaba, waxaannu idiin haynaa muuqaallo gaar u ah Hadalsame Media oo aanu idiinkaga hayno qaabka madasha ay xafladdu caawa ku qabsoomayso oo si aad ah loo qurxiyey, taasoo ku dhex taalla isla madaxtooyada maamulka Puntland.
Halkan hoose ka dheeho sawirrada…
Hadalsame Media