(Guriceel) 26 Jan 2019 – Rowdo waxa ay aheed Gabar yar oo qiyaastii da’deedu uu dhaxeyso 15 illaa iyo 16 sanno jir waxayna ku dhalatay magaalada GURICEEL ee bartamaha Soomaaliya halkaasi oo ay kuna soo barbaartay.
Waxa ay heerka dugsiga Hoose, Dhaxe iyo Sare oo ay hadda ku jirtay ay ku qaadatay School-ka ABLAAL Primary And Secondary School Ee GURICEEL.
Rowdo qoyskeeda waa kuwa iska dan yar ah oo aanan awoodin wax kabadan Qutul yowka maalin laha ah.
Yeelkeede reerkeedu ma aysan yareysan dadaal oo Rowdo waxaa loo sameeyey wax walba oo ay waalidkeed xaq ahaan ugu laheed sida waxbarasho iyo daryeel wanaagsan.
Gabadha yar waxaa uu Illaahay siiyay qurux iyo qaayo, waxayna ka mid ahayd gabadhaha ugu wanaagsan xagga waxbarashada iskuulka ay dhiganaysay sida ay sheegeen macalimiinteedu.
Waxaa xitaa loo sii qorsheeyey in markii ay dhameeyso heerka dugsiga Sare lageeyo JAAMACAD.
Maxaa Dhacay
Waxaa dhacday Musiibo, walloow ay aheed imtixaan oo ay sababteeda noqotay in ay kufsadaan dhalin gaareyso 4 wiil kuwaas oo ay isku deegaan yihiin oo ku wada noolaayeen magaalada Guriceel. Kufsiga ayaa dhacay maalmo uun ka hor.
Kufsigii kadib
Waxaa Rowdo u kacay dhamaan Dadwaynaha ka soo jeedo degaanka GURICEEL iyo Dadwaynaha kale ee soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaa lagu guuleystay in la soo xir xiro oo xabsiga ladhigo danbillayaashii.
Danbiilayaasha damiirlawaasha ah ayaa la filayaa in la horkeeno Maxkamad ku taalla degmada Guriceel waxaana aad looga dhowr sugayaa in Cadaalad la marsiiyo oo ay ugu yaraan ka shalaayaan falka bahalnimada ee ay kula kaceen Rowdo.
W/Q: Mohamed Odowa
Hadalsame Media