”Mucaarad wax dhisaya waan u baahan nahay balse waa inuusan noqon mid shisheeyaha noosoo raaca!” – MW Farmaajo

0

(Garoowe) 27 Jan 2019 – Madaxwaynaha Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xirayey xafladdii caleemasaarka madaxweynaha puntland ayaa taataabtay mawaadiic kala duwan oo khuseeya siyaasadda dalka.

“Waxaan ballan qaadayaa inaan dhameeyo khilaafka dhexdeenna ah.” ayuu ballan qaaday Madaxwaynaha Somalia.

Madaxwaynaha dalka ayaa ballan qaaday inuu bog cusub furayo isagoo leh: “Waxaan ballan qaadayaa inaan la shaqeeyo dowled goboleedyada.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri. “Ogaada mucaarad wax toosinaya oo aan shisheeye wadan waa u baahanahay.”

Waxa uu ku soo idleeyey hadalkiisa. “Waan qaatay cafiskii lasoo jeediyey ee anigana ha la I cafiyo.”

Madaxwaynaha ayaa ka khudbaynayay munaasabaddii caleemo saarka madaxwaynaha Puntland Md Siciid Deni oo ku qabsoontay magaalada Garoowe.

Hadalsame Media