(Muqdisho) 26 Jan 2019 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe halkaasi oo uu ka socdo diyaar-garow balaaran oo loogu jiro caleema saarka Maddaxwaynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha ayaa waxaa Magaalada Garoowe uga horreeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda dhexe.
Ciidamada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maalmo kahor gaaray Garoowe.
Garoowe waxaa buux dhaafiyay madax hore, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay halkaasi, si ay uga qeyb galaan munaasabadda Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Dhinaca kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan xisbigiisa Himilo ayaa gaaray Magaalada Garowe.
Wafdiga Madaxweynihii hore Shiikh Shariif ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe waxayna halkaasi u tageen ka qaybgalka xaflada caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa ka dhaceysa Magaalada Garoowe.
Hadalsame Media