Facebook oo midaynaysa farriin-walayaasha Facebook, WhatsApp & Instagram (Maxaa soo kordhi doona?)

0

(Menlo Park, CA) 26 Jan 2019 – Agaasimaha Guud ee Facebook ee Mark Zuckerberg ayaa qorshaynaya inay isku daraan oo mideeyaan hannaanka farriimaha WhatsApp, Facebook, Messenger, iyo Instagram, sida lagu qoray New York Times.

Waloow shaqo ahaan kala madax banaanaan doonaan, waxaa la midayn doonaan kaabayaasha ay asaasiyan ku dhisan yihiin dhanka diriska farriimaha, sida ay dad ku dhow dhow Zuckerberg u sheegeen wargayska.

Qorshuhu wuxuu yahay in la mideeyo hannaanka WhatsApp ee farriimo diriska oo ka amaan badan farriimaha kuwa kale, si loo dhowro khusuusiyadda farriimaha la isu dirayo oo loo baajiyo inay qaybo 3-aad arkaan.

Ujeedku waa in farriin walaha (Messenger) Facebook iyo Instagram laga hirgeliyo hannaanka dhowran ee End-to-end encryption (E2EE) oo uu haatan leeyahay Whatsup, si xogta hal dhan laga diraa ay dhanka kale u gaarto iyadoo ka aamin ah gacan 3-aad.

Facebook waxay doonayaan “inay dhisaan hannaan fariimeed deg deg ah, la isku hallayn karo, sahlan, khaasna ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay shirkadda Facebook.

Hadalsame Media