DAAWO: Shacabkii saaka iskugu soo baxay Barxadda Garoowe oo hal arrin uga xumaaday MW Farmaajo

0

(Garoowe) 26 Jan 2019 – Waxaa beryahan magaalada Garoowe ka shidan xaaladda ka dhalatay wufuudda kala geddisan ee uga kala imanaya daafaha dalka iyo dibedda si ay uga qayb galaan caleemo saarka madaxwaynaha cusub ee maamulka Puntland.

Waxaa haddaba maanta halkaa tegey Madaxwaynaha Somalia Md Farmaajo waxayna shacabka magaalada oo qaarkood  mikrofoonka lala dhex maray ay ka cowdeen arrrin ay ku tilmaameen mid aysan filaynin.

Shacabkan la waraystay ayaa sheegay inay ciridda taagnaayeen muddo dheer, balse uusan Madaxwaynuhu usoo degin balse uu gaariga ka salaamey.

”Madaxwaynuhu taageeradii aan u hayney meel buu kaga dhacay!” ayuu yiri wiil sheegay inuu ka mid ahaa shacabkii iskugu soo baxay Barxadda Garoowe.

”8 saacadood baan ciridda taagnayn Madaxwaynaha la ajligiis oo ay ciidamadu marba dhinac loo baacsanayeen” ayay tiri gabar kale oo ”ooyin” la dhacday.

”Si kastaba Madaxwaynaha waa jecel nahay mucaaradna ma rabno!” ayay tiri gabar kale oo jeclaan lahayd inay Madaxwaynaha la kulanto.

Hadalsame Media