DAAWO: MW Farmaajo oo qaab ka duwan madaxdii kale loogu soo dhoweeyay Garoowe + Sawirro

0

(Garoowe) 26 Jan 2019 – Madaxwaynaha Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa dhowaan ka degey magaalada Garoowe.

Dadwaynaha magaalada Garoowe ayaana si ka geddisan madaxdii kale ee beryahan ku qulqulaysay magaalada Garoowe usoo dhoweeyay Madaxwaynaha dalka.

Cutubyo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Garoowe ayuu salaan sharaf ka qaatay Madaxwaynaha oo uu garoonka uga hor tegey madaxwaynaha Puntland.

Madaxwaynaha ayaa caawa ka qayb gelaya munaasabadda caleemo saarka ah ee madaxwaynaha cusub ee Puntland Md Deni.

Hadalsame Media