Beer aad u qurux badan oo loo iibiyay ardayda Muslimiinta ah ee ku nool Maraykanka (Maxay ku qabsanayaan?)

0

(Berrien Springs) 26 Jan 2019 – Sanduuq khayri ah oo Turkish-ku leeyahay oo beri dhowayd iibsatey beer uu lahaa halyeeygii Muhammad Ali (AUN), ayaa qorshaynaysa inay u bedesho iskuul ay xagaaga isticmaalaan ardayda Muslimiintu.

Behram Turan, oo ah madaxa Türken Foundation, ayaa ka sheekeeyay qorshohooda isagoo sheegay in ku dabaqayaan beertan oo ku fadhisa 328 acres, qarkana ku haysa webiga  Joseph River ee magaalada Berrien Springs oo ka tirsan gobolka Michigan.

“Waan iibsanney isla markii suuqa lasoo dhigay. Cali wuxuu 20-kii sano ee ugu dambeeyay ku qaatay halkan, waxyaabaha na dhiirri geliyey waa in ay u dhowdahay Chicago oo ay deggan yihiin Muslimiin fara badan,” ayuu yiri Turan.

Wuxuu sheegay inay u bedelaan dugsi xagaa (summer school), si ay uga faa’iidaystaan ardayda Muslimka ah ee ku nool degaannada u dhow dhow.

Hadalsame Media