SAWIRRO SATELLITE: Sucuudiga ma waxaa la marsiin rabaa jidkii Ciraaq? (Sheekadii Ciraaq lagu dumiyay oo lagu bilaabay)

0

(Riyaad) 25 Jan 2019 – Muuqaallo dhanka Satellite-ka ah oo laga qaaday hawada Sucuudiga Carbeed ayaa muujinaya inuu dalkaasi sida la yiri ku howllan yahay farsamaynta gantaalaha riddada dheer ee Baalistigga.

Sida ay sheegayaan rag sheeganaya inay khubaro sawirrada falanqeeya yihiin, Sucuudiga ayaa dhistay wershaddii ugu horreeysey ee gantaalahaa sameeynaysa, taasoo kicisay shaki ku aaddan inuu dalkaasi leeyahay hami ku aaddan samaysiga hub istaraatiji ah oo uu horseed ka yahay Amiirka 33-jirka ah ee MBS.

Haddii ay howlgasho wershaddan oo la sheegay inay ku taallo al-Watah, oo koonfur galbeed kaga beegan Riyaad, waxay Sucuudiga u saamaxaysaa inuu soo saarto gantaalo Baalistig ah oo uu isagu samaystay, taasoo kicinaysa hardan dhanka hubka ah oo ay la galaan Iiraan, taasoo bilaabaysa dagaal kale oo sokeeye oo Muslimiinta dhex mara.

Sucuudiga ayaan lahayn wax hub ah oo nukliyeer ah, sidaa darteed haatan ma jirto cabsi ku aadan in gantaalahan lagu xiro madaxyo hubka halista ah, balse wershad hub noocan sameeysaa waxay Sucuudiga geli kartaa hami ku aaddan hubka nukliyeerka ah, sida ay warbixintu sheegayso.

“Suurtagalnimada inuu Sucuudigu samaysto hubka halista ah waxay iminka nala tahay mid mustaxiil ah, balse waxaa dhici karta inaan yaraysanayno hamigooda iyo awooddooda,” ayuu yiri Jeffrey Lewis, oo ah khabiir hubka nukliyeerka ah oo ka tirsan mac-hadka Middlebury Institute of International Studies oo ku yaalla Monterey.

Lewis iyo khubaro kale ayaa ka mid ah ragga wershaddan soo helay mar ay lafa gurayeen sawirro laga qaaday hawada sare ee Sucuudiga Carbeed, sida ay faafisay Washington Post.

Hadalsame Media