Wax ka ogow kulanka Guddoonka Aqalka Sare iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho+SAWIRRO

0

(Muqdisho) 24 Jan 2019 – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo xubna Senaytora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz.

Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro.

Gabogadii kulanka, ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare u mahad celiyay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, casha sharafta .

Dhinaca kalena safiirka Dowlad Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid ahmiyad u leh dalka Soomaaliya.

Hadalsame Media