ONLF: “Si loo xaliyo khilaafka deegaanka Soomaalida waa in la illaaliyaa Dastuurka Itoobiya iyo sharciga caalamiga ah,”

0

(Jigjiga) 24 Jan 2019 – Ururka ONLF ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulka deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka dalka Itoobiya.

ONLF oo dhowaan ka tanaasushay halgankeedii hubeysnaa ayaa ugu baaqday xisbiga haya talada dowlad degaanka iyo dowladda dhexe ee Itoobiya inay ixtiraamaan rabitaanka iyo sharafta shacabka deegaanka Soomaalida.

“Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Ogadeniya waxay xaq u leeyihiin inay u madax-banaanadaan maamulka arrimahooda siyaasadeed iyo is-xukunka, oo u ogolaanaya dastuurka Itoobiya iyo sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri tiri ONLF.

“ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu baaqaya dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi”

ONLF ayaa ugu baaqday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisii hore ee ahaa in xukuumadiisu ilaalinayso xuquuqda dimuquraadiyadeed ee dhamaan shacabka dalkiisa,

“Khilaafaadka siyaasadeed waa in lagu xalliyaa hab hufan oo dhammaan dhinacyada lagala tashanayo,” ayay tiri ONLF.

Hadalsame Media