(Muqdisho) 24 Jan 2019 – Chelsea Village waa goob deegaan ah oo loo qalabeeyay sida huteel oo leh maqaayad,jiif berked ama waasko lagu dabaasho iyo ciidan amaanka suga.
Goobtan oo ku taal xerada Xalane ee saldhiga u ah ciidanka Amisom waxa ay dacalka ku heysa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Waxaa iska leh dad ajnabi ah halka shaqaalaha ka shaqeeya ay yihiin ajnabi laga soo bilaabo maamulka,cunto kariyaha,shaqaalaha nadaafada iyo waardiyaha.
Bogooda Internetka waxaa ku qoran oo ay ku faanayaan in dhamaan cuntadooda laga keeno Yurub islamarkaana ay leeyihiin Internet iyo isgaarsiin iyaga gaar u ah.
Xeradani maadaama ay ku taalo garoonka Muqdisho waxa ay sababtay in Ajnabi badan oo huteelada magaalada seexan lahaa in ay halkaa ku ha kadaan.
Korontada ay isticmaalaan waa mid iyaga u gaar ah,magaalada wax qudaar iyo hilib ah Kama iibsadaan,shaqaaluhu waa ajanabi
Hadaba Maxaa dan ah oo dowladda iyo dadka ugu jira maadaama aanay dhaqaalaha bulshada waxbo ku darin oo aanay lacag ku celin?
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre
Hadalsame Media