Switzerland & Iiraan oo isla dejiyay qorshe aanu Maraykanku ku farxi doonin!

0

(Bern) 23 Jan 2019 – Hab raac cusub oo ganacsi oo ay wax isku waydaarsadaan dalalka Iiraan iyo Switzerland ayaa u diyaar ah in la dhaqan geliyo, sida uu sheegay Sharif Nezam-Mafi, oo ah madaxa Rugta isku dhafka ah ee ganacsi ee labada dal.

Wuxuu wakaaladda IRNA u sheegay in ay dejiyeen qaab ay Iiraan lacagaheeda ku hesho marka ay saliidda ka iibiso macaamiisheeda waawayn ee Aasiya – kuwasoo laga xusi karo India, China iyo South Korea.

“Iminka ma jirto lacago aannu Yurub ku leenahay. Inta badan waxaannu lacagaha ku leennahay Hindiya, Shiinaha iyo South Korea oo qaata saliidda qeeriin ee Iiraan,” ayuu yiri madaxa Iran-Switzerland Chamber of Commerce.

Nezam-Mafi, ayaa sheegay in lacagta saliiddaa looga iibsado loo dirayo baananka Swiss-ka oo deeto hilinno maaliyadeed (bankiyo) soo marin doona kuwaasoo ay isla dejiyeen labada dowladeed balse aanu magacooda sheegin. Ujeedku waa in loo gooyo cunaqabataynta Maraykanka.

Hadalsame Media