(Hebei) 23 Jan 2019 – Dalka Shiinaha ayaa soo saaray app cusub oo qofka u sheegaya inuu ka ag dhow yahay qof qaamaysan ama deeyn qaba.
Wargayska afka dowladda ku hadla ee China Daily ayaa sheegay in saraakiisha dowladda ee gobolka Hebei ay soo saareen app-kaasi, kaasoo laga soo geli karo barta bulshada ee WeChat oo u dhigma Whatsup.
App-kan ayaa qofka ishaaro falaash ah siinaya marka uu 500 mitir usoo jirsado qof qaamaysan, sida uu warsiduhu sheegay.
Wuxuu sidoo kale sheegayaa meesha uu joogo qofka qaanta qaba, balse ma cadda inuu sidoo kale sheegayo xogta gaarka ah ee qofkaasi.
Arrintan ayaa looga gol leeyahay in qofka qaanta qaba lagu dhiirri geliyo inuu qaan boxo iyadoo dowladda loo sheegayo, balse lama hubo ilaa iyo inta ay taasi mira dhal noqon doonto.
Hadalsame Media