SAWIRRO: ”Waxaan weeraraynaa Tel Aviv!” – Suuriya oo sheegtay inay aarsan doonto haddiii….

0

(Dimishiq) 23 Jan 2019 – Dimishiq ayaa ku hanjabtey inay qaadi doonto tillaabada ay xaqa u leedahay ee ah inay is difaacdo iyadoo weerari doonta Garoonka Caalamiga ah ee Tel Aviv si ay uga jawaabto weerarrada daandaansiga ah ee kaga imanaya Yuhuudda oo 2 kun oo mar ka badan hawada Suuriya kusoo xadgudubtey.

Suuriya oo quus iminka ka joogta in xeerka caalamiga ihi uu wax ka qaado Yuhuuda oo weerarradii ugu dambeeyay ku qaadday gegada caalamiga ah ee Damascus International Airport, ayaa haatan ku goodinaysa inay jawaab cad bixin doonto.

“Miyaysan iminka ahayn xilligii uu Golaha Amaanka ee QM uu celin lahaa dulmiga isa soo taraya ee ay Israel ka geeysanayso gayiga Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya?” ayuu soo jeediyay ergayda Suuriya u fadhiya QM, Dr. Bashar al-Jaafari oo su’aashaa is waydiiyay shalaytoole.

Suuriya ayaa iminka ballan qaadday inay weerarro aarsi ah ku qaadayso Tel Aviv haddii mar dambe lasoo weeraro, halka Israel ay sidii caadada ahayd ku doodday in iyada ”khatar la geliyey” oo ay ”is difaacayso”.


Hadalsame Media