(Torino) 23 Jan 2019 – Marka ay kubbadi wejiga kaaga dhacdo xanuun ba’an ayay leedahay kuma na sii jirto marka uu soo laado C Ronaldo, balse ugu yaraan waxa ay isku qancisay inay ku dhacday kubbad uu soo laaday ciyaaryahanka ugu foorteysan caalamka ee ay taageerto.
Elena Di Martino waa haweeney 46 jir deggan Mandovi, aadna u taageerta Juve. Waxay fadhiisatay daanta Koonfureed ee garoonka weliba gadaasha dambe ee goosha.
Kaaga darane, dhibku waxa uu soo gaaray ka hor bilaabasha ciyaarta xili uu Ronaldo ku jiray iskululeyn, kubbadana u laadayey dhanka taageereyaasha kooxda.
Kubbadihii uu laadayey mid ka ah ayaa wejiga ka qabsatay gabadhan iyadoo dhaawac u geysatay haweeneydan taageerada u ah.
Wax la yareysan karo maahan inay kubbadi kaaga dhacdo foolka inta lagu guda jiro iskululeynta. ”Mahadi ha ka gaarto saaxibada daanta koonfureed ee ii gurmadey” ayey kusoo qortay degelka Facebook iyadoo soo raacisay sawirada faashadda wejigeeda saaran.
Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Maxamed
Torino, Italy
Hadalsame Media