(Milano) 23 Jan 2019 – Krzysztof Piatek ayaa si rasmi ah ugu biiray AC Milan heshiis ku kacay €35m iyo bareemiyo dheeraad ah isagoo sanadkii qaadanaya €2m, kaddib 19 kulan oo uu dhaliyay 21 kulan oo uu u saftay Genoa.
Laacibkan 23-jirka ah ee reer Poland ayay kooxdiisu waxay xagaagii Cracovia Krakow kasoo siisatay €4.5m balse wuxuu durba noqday laacib saamayn yeeshay.
Wuxuu 13 gool ka dhaliyey horyaalka Serie A 19 kulan oo uu saftay, isagoo 6 ka dhaliyey laba kulan oo Coppa Italia ah, kuwaasoo uu 4 dhaliyay kulan bilowgiisii.
Piatek ayaa xushay lambarka 19-aad kaddib markii ay laacibiin badan oo qaatay lambarka 9-aad ay ku hungoobeen wuxuuna kulan bilowgiisa safan kartaa Sabtiga oo ay Milan wajahayso Napoli.
Berri galabtii ayaa saxaafadda loosoo bandhigayaa saacaddu marka ay tahay 1.00pm dhanka Milanello. Waxaa si toos ah loogala soconayaa “Milan TV”, Youtube.com/acmilan iyo Facebook.com/acmilan, isagoo 3.30pm si toos ah ugu biiraya tababarka kooxdiisa cusub.
Hadalsame Media