Masjid wayn oo ay ku baxayso £23milyan oo gini oo laga dhisayo Jaamacadda Cambridge + Sawirro

0

(Cambridge) 23 Jan 2019 – Masjid ay ku baxeeyso £23milyan oo gini ayaa laga dhex dhisayaa jaamacadda Cambridge kaasoo xarigga laga jarayo dhamaadka sanadkan 2019.

Sharikadda dhismaha wadda ayaa furayaasha dhamaadka bishan ku wareejinaysa Mill Road mosque, balse furitaankiisa oo dhamaystirani wuxuu dhici doonaa marka la dhamastiro wax kasta sida dhigidda marmarka, dhalooyinka shaqlan iyo mutuneelka derbiyada.

Waxaa lagu wadaa inuu noqdo “masjid ka tilmaaman UK oo idil”, sida uu qabo Dr Tim Winter, oo madax u ah guddiga dakhliga lagu dhisayo soo ururiyay, sidoo kalena culuunta Islaamka ka dhiga jaamacaddaasi.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay ardayda Islaamka ah ee jaamacaddan dhigta, waxaana masjirka markiiba ku dukan kara dad kun ka badan waana la ballaarinayaa.

Hadalsame Media