”Ma aha sawir maanta ku habboonaa!” – Gary Lineker oo weeraray CR7 (Sabab?)

0

(London) 23 Jan 2019 – Laacibka CR7 ayaa kaddib markii uu kasoo noqday dacwad uga furnayd magaalada Madrid ee caasimadda Spain wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawir muujinaya isagoo waqti ku qaadanaya dayuuraddiisa khaaska ah. Yeelkeede, taasi ma qancin qof kasta.

“Sida cad ma aha maalintii tweet noocan ah la samayn lahaa, runtii ma aha.” ayuu yiri jookarkii hore ee  England ee Gary Lineker oo aad u cambaareeyay Cristiano Ronaldo.

SABABTA?

Arbaha reer Portuguese iyo Juventus ayaa arrintan ku dhaqaaqay isla maalin la la’aa laacibkii reer Argentine ee Emiliano Sala oo la waayay jeer uu dayuurad khaas ah uga tillaabayay Hilinka Ingiriiska ee isku xira Faransiiska iyo Britain.


Hadalsame Media