(Nairobi) 23 Jan 2019 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin ayaa hal arrin uga digey nidaamka Itoobiya ee dhexe ee uu haatan majaraha u hayo Dr Cabbeey Axmed, kaddib markii ay soo shaac bexeen khilaafyo la sheegay inay u dhexeeyaan DF Itoobiya iyo maamulka Gobolka Soomaalida.
TPLF used Generals to emasculate & control Somali/Afar/Gambela etc State Presidents.OPDO should never dream of using a Commissar to control State Presidents.What is fair with the State Presidents of Tigray,Amhara and Oromo is fair also fair with rest. Let’s not have false starts.
— Farah Maalim (@FarahMaalimM) January 23, 2019
Macallin ayaa Twitter-ka kusoo qoray sidatan: ”TPLF waxay jeneraallo u adeegsadeen inay ragannimada ka qaadaan oo xakameeyaan madaxwaynayaasha gobollada Soomaalida/Canfarta/Gambeellaha iwm.”
”Wixii u qaadma Madaxwayne Goboleedyada Tigreega, Amxaarada iyo Oromada ayaa sidoo kale u cuntama inta kale. Yaynaan meel khalad ah wax ka bilaabin.” ayuu raaciyay.
Hadalsame Media