DHACDO UGUB AH: Donald Trump oo u hanjabey reerka qarreen caan ah oo ku marqaati furi lahaa + Sawirro

0

(Washington, DC) 23 Jan 2019 – Michael Cohen ayaan kasoo hor muuqan doonin House Oversigh iyo Guddiga Reform Committee 7-da bisha Febraayo ee soo aaddan, iyadoo uu qarreenkiisu ku doodayo ‘in reerkiisa loo hanjabey’ taasoo kaga timi dhanka madaxwaynaha iyo qarreenka madaxwaynaha Maraykanka.

Qarreenka Cohen ee Lanny Davis ayaa todobaadkii hore sheegay in macmiilkiisa – oo awal ahaa qarreenka Donald Trump – aan 100% hubin inuu ku marqaati furayo Trump, tiiyoo ay jirto in wakiilka Maryland ee Elijah Cummings, uu sidaa ku dhawaaqay.

Cohen ayaa lagu amray inuu xabsiga iska xaadiriyo 6-da Maarso, si uu u guto xukun 3 sanadood ah kaddib markii lagu helay ku tumashada xeerarka maaliyadda iyo inuu musuqay canshuur lala fakaday.

Yeelkeede, waxaan iminka kala caddayn in ay Dimoqraadiyiintu heli karaan fursad ay ku solaan Cohen kahor inta aanu noqonin maxbuus heer federaal ah.

Wakiilka Virginia ee Dimoqraadiga ah Gerry Connolly ayaa saxaafadda u sheegay inay doonayaan inay Cohen khasab kaga dhigaan inuu Guddiga kasoo hor muuqdo.

‘Hanjabaadaha reerkiisa ka dhanka ah ee ka imanaya Madaxwayne Trump iyo Mr. Giuliani, oo ay ugu dambeeyeen kuwii todobaad-dhamaadkii dhowaa, iyo la shaqaynta Cohen ee dembi baarista socota, maraanmarkii Mr. Cohen dib baa loo dhigayaa ilaa maalin aan la cayimin,’ ayuu yiri Davis oo ah qarreenkiisa.

Trump ayaa gebi ahaanba warac geddiyey siyaasaddii lagu yaqaanney Maraykanka tan iyo markii uu xilka la wareegey 2 sano kahor.

Hadalsame Media