SANATOR NADIIR:-“Lama aqbali karo tallaabooyinka ciidanka Kenya ku burburinayaan hantida ummada Soomaaliyeed,”

0

(Muqdisho) 22 Jan 2019 – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay tallaabada Ciidamada Kenya ay ku beegsanayaan xarumaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare Sanatar Axmed Nadiir ayaa si kulul uga hadlay una cambaareeyay ciidamada Kenya oo lagu eedeeyay inay si bareer u gubeen una burburiyeen xarumo ganacsi oo ay lahayd shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee dalka Soomaaliya.

Tallaabada ciidanka Kenya ayaa walaac waxaa ka muujiyay kumanaan qoys oo adeegsada adeegyada kala duwan ee Shirkada Hormuud waxaana laga soo sheegayaa deegaanada Jubbada Hoose ee dhibaatada ka dhacayso inay jiraan dad isaga barakacay goobahoodii si ay u helaan adeegyo isgaarsiineed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay dheha ka fureysatay oo aysan illaa hadda ka hadlin xadgudubyada Ciidamada Kenya ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Hadalsame Media