(Jowhar) 22 Jan 2019 – Ciidamada amaanka Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa xasbiga dhigay ganacsato lagu eedeeyay inay maalgaliyaan ururka Al-Shabaab kuwaas oo lagu qab qabtay gudaha Magaalada Jowhar.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada ee isaga kala gosha Jowhar iyo caasimadda Magaalada Muqdisho.
Dadka la xiray waxaa ay gaarayaan ku dhowaad 11 ruux kuwaas oo dhamaantood lagu eedeeyay inay lacago u geeyeen Al-Shabaab..
Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shalay sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ururka Al-Shabaab ka qaadaan lacago baad ah sida uu ii yiri.
Al-Shabaab ayaa ganacsatada ka qaada lacago iyagoona u adeegsata howlgaladeeda ka dhanka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalsame Media