Xaaskiisii ayuu baangad ku jarjaray (Kaddib muxuu sameeyay muxuuse ku maagay?!) + Sawirro

0

(Migori) 21 Jan 2019 – Nin 35-jir ah ayaa maanta isku diley degaanka Central Kadem, oo ka tirsan ismaamulka Migori County, Kenya kaddib markii uu diley xaaskiisa oo ay is maandhaafeen.

Jack Marire ayaa xarig isku ceejiyay isagoo jooga meel dahabka laga qodo kaddib markii uu baangad kusoo jarjaray xaaskiisa oo 27-jir ahayd.

Waxaa shilkan xaqiijiyay madaxa Central Kadem Md Hezron Odek kaasoo sheegay inuu Mr. Marire Axaddii weerar ku qaaday xaaskiisa oo hurudda, isagoo dhowr mar ku shafay baangad wayn oo uu sitey.

Waxayna xijaabatey iyadoo loola cararayo isbitaalka Migori Level Four Hospital halka maydka ninka maanta laga helay meel dahabka laga qodo.

Mr. Odek ayaa intaa raaciyay in la baarayo waxa ismariwaaga keenay, iyagoo dukaan ku lahaa Nyakwere oo ka tirsan Nyatike, waxaana la sheegay in ay isku khilaafeen waxa laga yeelayo kaash dhan Ksh.240, 000.

Hadalsame Media