(Jubbada Dhexe) 21 Jan 2019 – Ciidamada Xoogga Salka Soomaaliya ee SNA ayaa howlgallo ciidan ka wada agagaarka degaano hoostaga magaalada Bu’aale ee caasimadda gobolka Jubbada Dhaxe.
Taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka ayaa tilmaamay in la xoojiyay howlgalada ciidan ee iminka ka soconaya gobolka Jubbada Dhaxe.
Janeraal Bogmadow waxa uu caddeeyay in ujeedka yahay sidii buu yiri Al-Shabaab looga xorayn lahaa magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhaxe oo sidoo kale loo gartay inay Xarun rasmi ah u noqoto maamulka Jubbaland.
Isaga oo sii hadlaya ayuu tibaaxay taliyuhu in magaalada Bu’aale ay iminka wax yar u jiraan oo ay kaabiga ku hayaan ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Hadalsame Media