DAAWO: ”Waxaad Somalia ula hadasay si edeb-daran!” – Xoghayaha Guud ee QM oo furka ku xooray Nicholas Haysom

0

(New York) 21 Jan 2019 – Cod iminka laga helay shir ay albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen Golaha Amaanka ee QM ayuu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, wuxuu si aan ka leexleexad lahayn oo cad ugu canaantay ergaygiisii Somalia, Nicholas Haysom.

HALKAN KA DAAWO….

DF Somalia ayaa PNG u jartay Nicholas Haysom oo ay ku eedaysay inuu faraha la galay arrimaha gudaha ee Somalia, kaddib markii uu Wasaaradda Amaanka Somalia ku amray inay warbixin ka siiso wixii ka dhacay Baydhabo, taasoo ay dad badani u fahmeen door madaxwayne oo kale.

Guterres ayaa sheegay in ay waajib tahay in QM ay ku taagnaato wixii ay siinayo sharciyadda ay ku joogto Somalia, isla markaana aan loo baahnayn in hab aan xushmad iyo asluub lahayn oo kibir ka muuqdo loola hadlo Somalia, isagoo sheegay in hannaan loo baahan yahay marka lala macaamilayo Somalia.

XG ee QM Guterres oo sheegay inuu laba jeer isku dayey inuu Somalia ku qanciyo inay go’aankeeda ka laabato ayaa markiiba soo saaray war ku saabsan inuu soo magacaabayo ergay kale. Arrintan ayaa muujinaysa inay Somalia go’aankeeda ku saxnayd.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media