DHEGEYSO: Wasaaradda Gaadiidka DF oo ka hadlay ninkii lagu qabtay Garoonka Muqdisho

0

(Muqdisho) 21 Jan 2019 – DF Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli su’aalo weydiinayso nin shisheeye ah oo Sabtigii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ninkan ayaa boorsadii uu xamuul ahaanta u saari lahaa diyaaradda laga helay gasac ah nooca leh qaaca dadka ka ilmaysiiya.

Haddaba, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa idaacaddda VOA uga warramay arrintaasi isagoo dul istaagey sheegay inaan amniga garoonka aanu marna halis gelin.

Hoos ka dhegeyso Haaruun Macruuf oo ku waraysanaya khadka telefoonka ee Muqdisho.

Hadalsame Media