Booliska Soomaaliya oo baaraya nin u dhashay dalka Ingiriiska oo isagoo Qarax sita lagu qabtay Muqdisho

0

(Muqdisho) 21 Jan 2019 – Hay’addaha dambi baarista Booliska Soomaaliya ayaa baaritaan ku haya nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu xiray Magaalada Muqdisho. Ninkaan oo aan magaciisa la shaacin ayaa sida warsidaha Hadalsame fahansanyahay waxaa uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA ee maamuli jirtay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ilo xog xoggaal ah ayaa u sheegay Hadalsame Media ninkaan u dashay Ingiriiska uu ku xiran yahay xarunta Dambi baarista ee CID waxaana xarigiisu ka dambeeyay ka dib markii boorsadiisii laga helay bombka loo isticmaalo ka hortagga bannaanbaxyada oo ah nuuca dadka ka ilmeeysiisa. Booliska ayaa shalay ka qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaagalada Muqdisho.

Xiliga la xirayay waxaa uu safar ka ahaa Garoonka Aadan Cade waxaana uu ku qornaa diyaaradaha Itoobiyaan airways isagoona ku sii jeeday dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Addis Ababa. Waxaa wararku sheegayaan in duulimaadkii shirkada Itoobiyaan airways ay u baaqatay shalay qabashada ninkaan Ingiriiska ah dartiis.

Saraakiil ka tirsan Safaaradda Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay xarunta CID-da ku booqdeen muwaadinka u dhashay dalkooda ee la xiray, mana jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay dhanka hay’addaha amniga Soomaaliya oo ku saabsan kiiskaan oo ah noqoyana kii ugu horeeyay nuuciisa.

Hadalsame Media