(Bayruut) 20 Jan 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” waxa uu ka qeybgalay Shir madaxeedka dalalka Carabta oo looga hadlayo horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada. Shirkaan waxaa martigalinaya dowladda Lubnaan.
Shirkaan oo ka furmay maanta Magaalada Beyruut ayaa waxaa looga hadlayaa 29 qodob oo ah waxyaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha iyo bulshada.
Waxaa sidoo kale shirka looga hadlayaa hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.
Hadalsame Media