Nin qirtay inuu QASHAY xaasaskiisa + Sawirro (Waxa uu qiil ka dhigtay oo aad loola yaabay!)

0

(Riyaad) 20 Jan 2019 – Wuxuu yiri labo kamid ah afarteyda xaas ayaan cunay oo waan is celin waayey gaajo aawadeed.

Nin Sucuudi ah iyo laba ka mid ah afartiisii ​​naagood ayaa ka badbaaday kaddib markii uu galay shil baabuub iyo saxaraha kujireen 13 maalmood.

Mustafa Ali Hamad, oo 41 jir ah, iyo afartiisii ​​naagoodba waxay u safreen qaraabo salaan magaalo u dhow Ash Shalfa wadada oo ay ku socdeen ayay ka dhumeen akhirkiina baabuurka ayaa la gadoomay taas oo midka mid ah xaasaskiisu ku dhimatay.

Saddex maalmood markii kulaylka, qorrax, biyo iyo cunto la’aan joogeen ayuu Hamad go’aansaday inuu u diro laba haween ah caawimo, isaga qudhiisu ma awoodin inuu sidaas sameeyo cayil aawadiis.

Toban cisho kabacdi ayaa loo yimid isaga kaligii oo nool cunayana labadiisii xaas maydkooda.

“Waxaan rajeynayaa in Allaah iga cafiyo cunista labadeydii gabdhood ee dhintay, laakiin anigu ma xakameyn karin nafsadeyda oo waan gaajooday,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in xaaskiisa kale ay maalintii lixaad dhimatay markii ay diiday iney la cunto xaaskii shilka baabuurka ku dhimatay, sida uu wariyayaasha usheegay.

Xamaad wuxuu hadda ku jiraa daryeel caafimaad oo degdeg ah maaddaama dhakhtarradu ka baqayaan xaaladdiisa miisaanka culus iyo sonkorta (diabetes) oo laga yaabo inay culays weyn ku yeeshaan wadnaha iyo xubnaha muhiimka ah.

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale la yaabay Xamaad inuusan lumin miisaankiisa 13-kii maalmood ee la soo dhaafay, laakiinse waxaaba ku kordhay afar KG oo dheeraad ah.

Waxa Tarjumay: Abdifataax  Maxamed Qaaje

 

Hadalsame Media