Muxuu galabsaday oo loo xiray weriye Cabdi maalik Muuse Coldoon?

0

(Gaashaamo) 20 Jan 2019 – Wararka laga helayo deegaanka ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya loo gacan galiyay Cabdi maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee caanka ah.

Weriyeha ayaa la sheegay in laga qabtay deegaanka lagu magacaabo Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida, islamarkaana ah xadka labada maamul ee Soomaliland iyo maamulka Jigjiga.

Cabdi maalik Muuse Coldoon ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Jigjiga isagoona la kulmayay hoggaamiyaasha Ismaamulka Soomaalida sida Madaxwaynaha deegaanka Mustafa Cagjar.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in lala xiray labo weriye oo kale kuwaas oo ka soo jeeda deegaanka Islaamulka Soomaalida.

Cabdi maalik Muuse Coldoon ayaa hore waxaa u eryanayay maamulka Soomaliland oo ku eedeeyay inuu warbixino ka qoray maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada loogu yeero Liyuu Boolis ay qabteen weriye Cabdi maalik Muuse Coldoon kadibna ay u gacan galiyeen ciidamada Itoobiya.

Illaa hadda lama oga sababta ka dambeysa xariga weriye Coldoon hase ahaatee waxaa weriyuhu aad uga hadlayay tacadiyada ka dhanka Soomaalida ee ay gaysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa deegaanka.

Hadalsame Media