(Kismaayo) 20 Jan 2019 – Taliska Mareykanka (Africom) ayaa faahfaahin ka soo saaray duqeyn dhinaca cirka oo shalay diyaaradahooda ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo la sheegay in lagu dilay tiro ka mid ahaa dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab.
Africom sheegtay in duqeyntaasi lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo shalay galinkii hore weerar xoogan ku qaaday saldhig Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguun oo qiyaastii 50 kilomitir dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo
Africom ayaa warbixinteeda ku sheegtay sheegtay in lagu dilay 52 dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab,isla markaana lagu bur buriyay gaari ay lahaayeen kuwa la dilay. Warka soo baxay Africom ayaa yimid saacaddo kadib markii Saraakiisha maamulka Jubbaland ay sheegeen in weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Baar-Sanguuni ay ku dileen 73 ka mid ah Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada deegaanada shalay lagu dagaalamay ee nawaaxiga Baar-Sanguuni ayaa degan waxaana jira dhaqdhaaqyo millitari oo deegaanadaasi ka socda.
Hadalsame Media