(Kinshasa) 20 Jan 2019 – Maxkamada Dastuurka ee wadanka Kongo (Congo) ayaa ku dhawaaqday in Madaxwaynaha dalkaasi ee cusub uu yahay ninka lagu magacaabo Felix Tshisekedi, iyadoona dhinaca kale Maxkamadu iska diiday muranka ka imaanaya musharaxii la tartamayay madaxwaynaha la iclaamiyay.
Martin Fayulu oo ah musharaxa ay aadka isku hayaan Felix Tshisekedi ayaa sheegay in go’aanka Maxkamada Sare uu yahay mid laga xumaado oo aan cadaalad ahayn sida uu yiri.
Felix Tshisekedi ayaa waxaa dhalay hoggaamiyihii caanka ah ee mucaaradka dalkaasi hoggaamin jiray Mr. Etienne.
Iclaaminta Madaxwaynaha cusub ayaa timid saacaddo uun kadib markii Midowga Afrika ay waydiisteen Congo inay dib u dhigto ku dhawaaqista natiijada kama dambeysta ah ee doorashada.
Midowga Afrika ayaa shaki weyn ka muujiyay xalaalnimada codbixinta doorashada. Waxaa sidoo kale la qorsheynayay in Midowga Afrika wafdi heer sare u diraan Congo maalinimada berrito ah.
Taageerayaasha hoggaamiyaha Mucaaradka Felix Tshisekedi ayaa sheegay in hoggaamiyahoodu ku guulaystay doorashada iyagoona dabaaldagyo ka dhigay Magaalada caasimada ah ee Kinshasa.
Maxkamada dastuurka ee dalkaasi ayaa iska diiday codsi uu soo jeediyay Mr. Fayulu oo ahaa in dib loo tiriyo codadkii bishii hore ee Desembar.
Warbixin sir ah oo la helay ayaa muujisay in Martin Fayulu uu yahay ninka ku guulaystay doorashada laakinse ay dhacday qiyaano iyo wax isdaba marin balaaran.
Laakinse Maxkamada ayaa sheegtay in Mr. Martin Fayulu uusan la imaanin cadeymo muujinaya shakigiisa.
Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa ka digay in dib u dhaca ku yimid shaacinta natiijada doorashada ay sii xoojin kartay qalalaasaha ka jira dalkaasi. Ugu yaraan 10 ruux ayaa la dilay tan markii 10kii bishaan si hor dhac loo shaaciyay natiijada doorashada dalka Congo.
Maxkamada Dastuuriga ah ayaa sheegtay in Tshisekedi uu helay boqolkiiba 38% codadkii la tiriyay halka Mr. Fayulu uu helay boqolkiiba 34%.
Hadalsame Media