(Hargaysa) 20 Jan 2019 – Warka ka imanaya Hargaysa ayaa sheegaya in lix wariye oo ka howlgala warbaahinta ku hadasha afka maamulka Somaliland iminka loo haysto in ay Like, Comment iyo share ku sameeyeen warar iyo qoraallo aanu la dhacsanayn maamulkaasi.
Wariyeyaashan ayaa lagu warramayaa in ay ku dheggan yihiin guddi lagu sheegay midka Anshax Marinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.
Weriyeyaasha ayaa lagu kala magacaabaa: Cabdicasiis Maxamed Maydhax, Siciid Faarax Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Muna Ibraahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed iyo Mubaarak Yuusuf Cabdi.
Waxayna gebigood ka qoran yihiin hay’aadka warfaafineed sida Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan iyo TV-ga Somaliland.
Waxaa iminka la dhowrayaa nooca uu noqon doono go’aanka Wasaaradda Warfaafintu, waxayna arintani imanaysaa jeer beri dhowayd shaqada laga joojiyey weriye lagu eedeeyay inuu jilay madaxwaynaha maamulkaasi Muuse Biixi.
Arrintan ayaa ka hor imanaysa xeerarka u degsan xorriyadda hadalka ah ee looga fadhiyo nidaamyada dimoqraadiga ah.
Hadalsame Media