Gawaarida ay bixisay Qatar – DF ha iska Ilaaliso khalad ay gashay dowladii Xasan + Sawirro

0

(Hadalsame) 20 Jan 2019 – Shalay waxa ay dowladda Federal-ka ah kala wareegtay dalka Qadar 68 gaawirda Gaashaaman ah oo ay deeq ahaan u siisay.

Gawaaridan oo ah kuwa aan xabaddu Karin ayaa la filayaa in ay dowladda ka caawin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hase ahaatee, waxaa dhici karta tallaabo ay qaado dowladda oo wiiqi kara awoodda Federal-ka ah. Taasoo ka hor jeedda nidaamka federaalka oo ah mid ay wixii difaac ah xaq u leedahay dowladda dhexe.

Dowladda waxaa dhici karta in ay Gawaaridaas u qeybiso ama wax ka siiso maamula gobolleedyada taas oo dhaawac weyn u geysan karta awoodeeda.

Ma aha wax cusub, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidan oo kale gawaari noocan ah oo ay dowladda ka heshay Imaaraadka xilligisii u qeybisay Maamulada Jira.

Tallaabadaas waxa ay si toos ah u wiiqeysaa awoodda dowladda dhexe halka Maamulada ay ka dhigeyso kuwo xoogan oo ka horimaan kara nidaamka dhexe.

Si taas looga hortago, dowladda waxaa waajib ku ah in Gawaarida noocaas ah ay ku koobto ciidanka Militariga ah ee Federal-ka ee aysan u gacan galin Maamulada.

Haddii Maamulada ay doonayaan in ay la diriraan Al-Shabaab, iyaga oo hubkooda caadiga ah wata haka garab dagaalameen ciidamada Militariga ah ee dowladda.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Hadalsame Media