(Jigjiga) 20 Jan 2019 – Warar soo gaaraya tub wareedka Hadalsame Media ayaa tibaaxaya in haatan la sii daayey weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Coldoon iyo laba weriye oo la socdey ayaa la qabtay iyagoo sida la sheegay doonayay in ay muuqaallo ka duubaan degaanka Gaashaamo oo beri dhexdeer ah dad rayid ah ay ku laayeen ciidamo hoostegi jirey maamulkii Cabdi Ileey.
Xiritaankiisa ayaa loo cuskaday inuu gudanayey howlo saxaafadeed oo aanu ogolaansho ama rukhsad u haysanin.
Hadalsame Media