DAAWO: Wasiir qirtay inuu CUDURRO halis ah ka qaaday cunista xoolaha umadda!

0

(Hargaysa) 20 Jan 2019 – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostaha iyo Isgaarsiinta Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa qirtay in uu xanuunno badan ka qaadey lacago xaaraan ah oo uu cunay muddadii uu Wasiirka ka ahaa Wasaaraddaasi.

Md Abgaal oo shacabka ka baryey inay iminka iska cafiyaan warkiisa ku bilaabay: “Markii aan sanad shaqeeyay waaban xanuunsaday oo deeto dhakhtar baan aadey, dhakhtarkii wuxuu i yiri ”kellida ayuu dhagax kaaga jiraa oo yaabay.”

”Dabeeto sannadkii labaad baan misna xanuunsaday dhakhtar baan tegoo wuxuu igu yiri ”dhiig-kar baad qabtaa”, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay oo haddana waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay oo dabadeedna wadnihii ayaanba sidiisii u shaqeynayn.” ayuu yiri Wasiirkii hore.

Wasiirkii hore ayaa sheegay in dhibaatadu ka timid mushaharka rasmiga ah ee u qornaa  oo uu ku sheegay 1,500 oo doollar oo aan ku fillayn, wuxuuna ballan qaaday in aanu abid dib dambe u qabanin xil aan lahayn masruuf ku filan si aanu ugu taraarixin xoolaha xaaraanta ah.

”Waar xaaraantii hore Illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”. ayuu ku calaacalay Md Abgaal.

Waxaa badan kuwo xoolaha umadda laba canleeya ee aan xitaa ka shallaayin sida Wasiirkan hore.

Hadalsame Media