”SNM waa dembiilayaal dal dumis ah haddii ay maanta samaynayaan wixii ay SIYAAD kula dirireen!”

0

(Hargaysa) 19 Jan 2019 – Siyaasiga Ciise Cali Gureey oo ka mid ah raggii usoo dagaallamay jabhaddii SNM oo ka mid ah jabhadihii ridey nidaamkii dalka Somalia ayaa ka hadlay wax uu ku sheegay cadaalad darrada ka jirta maamulka Somaliland.

Wuxuu warkiisa ku bilaabay: ”Hee daacad shalay markii la i xidhayayna cadaalad bay ahayd ayaa ka dhiman xuuto warkiisa. Muxuu ka hadlayaa dalku sharci buu leeyahay cidda sharciga ku xadgudubtay ma bilayskaa mise waa Cali Seenyo?.

”Dawladnimadu waa in sharcigu shaqeeyo oo xukunku uu noqdo qaynuunka ee aanu noqonin qofka. Yaa yidhi Ina Fadal adiga ayaa qaynuunka ka sareeya. Ina Fadal waa u caado ee ceeb kuma aha inu sharciga ka hiilayo sharci darradana u hiilyo.” ayuu raaciyay isagoo tixraacaya Seenyo oo loo diidey inuu kasoo tillaabo xadka Jabuuti iyo Somalia.

Wuxuu Md Gureey soo jeediyey in la garnaqsado isagoo leh: ”Waryaada dhegaysta Siyaad Barre sax buu ahaa ee SNM baa gardarnayd oo dawlad dhan iyo dal dhan burburisay anigu qaadan kari maayo marka wixii Siyaad Barre aan ku diiday oo dhan maanta la igu yidhaa sax bay ahaayeen ee la xalaashado. Hadii wixii Siyaad Barre lagu diiday ee dalka dhan loo burburiyay sax ahaayeen aynu qirano in SNM dembiilayaal qaran ahayd waa taa ta lagu socdaaye ee la isu qurxinayo sacabkana la isugu tumayaaye.”

Hadalsame Media