Laba ka mid duuliyayaasha miigaggii isku dhacay oo maydkooda la helay + Muuqaal & Sawirro

0

(Moscow) 19 Jan 2019 – Maydka laba duuliye ayaa badda laga helay kaddib olole ballaaran oo dhib badan oo loo diray Badda Japan si ay u soo helaan duuliyeyaasha laba miig oo nooca Ruushku sameeyo ee Su-34 ah kuwaasoo isku dhacay.

Mid ka mid ah duuliyayaasha ayaa la badbaadiyey waxaana weli maqan mid kale, maadaama ay dayuuraddiiba laba duuliye siddey.

Ninka la helay oo ahaa duuliyaha ku qaybsan dhanka hagidda dayuuradda ayaa ku sugan “xaalad deggan,” oo aysan naftiisu halis ku jirin, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.

Labada Su-34 ayaa isku dhacay jeer ay dul marayeen Badda Japan meel 35 km dhanka badda kaga toosan Bariga Fog ee dalkaasi Ruushka, iyadoo ay duuliyeyaashu baarashuudka goosteen, balse badda oo kacsan aadna u qaboow iyo iyadoo aan horay laga helin ayaa laba ka mid ah galaafatay midna waa lagu raad joogaa weli.

 

The search efforts were impeded by a storm raging in the area. The surviving navigator was spotted and picked up by a

Dayuuradahan oo duullimaad tababar ah ku jirey ayaa aad iskugu dhowaa, balse wax hub ah ma sidin. Su-34 waa dayuurad doorar badan oo duqaysa bartilmaameedyada dhulka, cirka iyo duullimaadyada sahanka ah.

Hadalsame Media