Faahfaahin ku saabsan howlgal qorsheysan oo sida la sheegay lagu qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0

(Muqdisho) 19 Jan 2019 – Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan sida la sheegay ururka Al-Shabaab. Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa laga qabtay Magaalada Muqdisho shalay oo Jimco ahayd, sida lagu sheegay war ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa warkaasi ku shaacisay boggeeda Twitter-ka,

“Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.”ayay tiri NISA.

Hadalsame Media