(Stockholm) 18 Jan 2019 – Kaddib sugitaan socdey 131 cisho oo la isku mari la’aa siyaasadda Sweden, Aqalka Baarlamanka Sweden ee Riksdag ayaa haa ugu codeeyay RW Stefan Löfven.
”Isniinta, waxaan soo saari doonaa warbixin tafaasiil dheeri ah ka bixinaysa nooca dowladda,” ayuu yiri Stefan Löfven.
DEG DEG: Sweden oo dowlad yeelatay kaddib 131 maalmood (Sababta uu Löfven u guulaystey iyadoo la diidey) https://t.co/mjFu0cgvM2 via @Hadalsame Media
— Hadalsame Media (@HadalsameMedia) January 18, 2019
Afar xisbi ayaa bishan mabda’iyan gaarey heshisi loo bixiyay ”is afgaradkii Jannaayo” kaasoo u gogol xaarey inay ogolaadaan dowlad uu soo dhiso Löfven, waloow aysan wax kasta isku raacsanayn.
Codaynta ayaa waxay noqotay 115 haa, 153 diidey iyo 77 ka aamustay.
Maxay tahay sababta uu u guulaystey iyadoo laga codad badiyay?
Marka la eego nidaamka Sweden, haddii ay dhici lahayn in Stefan Löfven uu helo 175 cod oo diidmo ah, wuu seegi lahaa inuu noqdo RW xiga, yeelkeede, diidmadu waa dhaafi wayday 153 cod.
Dowladdan bidixda dhexe ee laga tirada badan yahay ee Löfven oo ka kooban Social Demokraterna iyo Miljöpartiet waa dowladdii ugu daciifsanayd ee Sweden soo marta muddo 70 sanadood ah, iyadoo ay labadaa xisbi isku darkooda u codeeyeen 32.7% oo ka mid ah cod bixiyeyaasha Sweden.
The four-party centre-left-liberal deal that got Sweden a government at last was built on “tough compromises” says Löfven. “No one gets everything, everyone gets something.”
— Emma Löfgren (@ekjlofgren) January 18, 2019

Hadalsame Media