”Waxaa la toogtey isagoo ila hadlaya!” – Gabar Kenyan ah oo ka sheekaysay wiil Australian oo darteed u yimid oo ku dhintay dusitD2

0

(Nairobi) 17 Jan 2019 – Marcus Rodriguez ayaa soo caga dhigtay gegada Jomo Kenyatta International Airport 8.40pm Axaddii, isagoo u yimid inuu arko gabar Kenyan oo uu caashaq mideeyay oo la yiraahdo Esylovians Meli.

Mr Rodriguez ayaa bilowgii la kulmay Ms Meli, oo ah ardayad jaamacadeed dharkana naqshadaysa 2017-kii, markaasoo ahayd goortii ugu horreeysey ee uu Kenya yimaado isagoo kasoo duulay Australia.

Rodriguez iyo Meli ayaa isku yara khilaafay halkii uu degi lahaa inta uu joogo oo qorshuhu ahaa ku dhowaad 2 todobaad ninkan Australian-ka ah oo 36-jir ahaa, isagoo doonayay inuu dego Karen, balse saaxiibtii ayaa soo jeedisey inuu dego meel u dhow faras-magaalaha (Central Business District). Wuxuuna degey dusitD2.

Galabtii weerarka 14 Riverside Drive, Meli waxay ku jirtey fasal jaamacadda Kenyatta University kambaskeeda wayn ee Thika Road. Telefoonkeeda waxaa saarnaa aamus. Waxay se 8 wicitaan oo ay seegtay telefoonka ku aragtay markii ay xiisaddu dhamaatay, sida ay u sheegtay The Standard.

Calwasaad ayaa u bilaabmay – Meli ayaa sheegtay inay khadka furatay markaasoo ay ogaatey in la haysto dusitD2. Waxay iyadoo cabsiyi lasoo deristey boda-boda u qaadatay dusitD2 balse meesha waa la xirey.

Dhowr daqiiqo uun kaddib 1-dii ayay sheegtay inuu markale soo wacay  Rodriguez, oo cod cabsi la xabeebtay ugu sheegay in ay argagixiso soo weerartay, waxay wada hadlayeen 4 daqiiqo kaddibna mar qura ayuu telefoonkii dhigay, waxayna sheegtay inay maqlaysay dhawaqa rasaasta.

“Waxaa noo qorshaysnayd in aannu Naivasha aadno todobaad dhamaadka. Dib usoo noqon maayo isagoon xitaa i macasalamayn,” ayay tiri Meli oo murugo la barooranaysa.

Hadalsame Media