DAAWO: ”Adeer Somalia unbaad ku celcelinaysaaye Somaliland dheh!”

0

(Hargaysa) 17 Jan 2019 – Waxaa beri dhowayd magaalada Hargaysa booqday danjiraha Somalia u fadhiya dalka Turkiga Mehmet Yilmaz.

Danjiraha oo ka hadlayay arrimo la xiriira gargaar ay Turkigu siiyaan Somaliland, wuxuuna danjiraha oo aan dal ahaan aqoonsanayn Somaliland uu dhowr mar ku celceliyay magaca Somalia.


Yeelkeede, waxaa mar qura qaab aanay ixtiraam iyo deganaani ka muuqanin meeshii soo galay weliba danjiraha gadaashiisa ku kufay nin lagu sheegay inuu ka mid yahay howlwadeennada dowladda.

Wuxuuna si la maqlayo ugu sheegay af naqihii oo uu si caro leh u yiri: ”Ninyohow Somalia unbaad ku celcelinaysaaye Somaliland dheh” ku dheh, jeer uu dhinacyada eegayo danjiraha oo yaabban.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe waxaa Somalila ka curtay nidaamyo iska soo horjeeda oo aakhiro iyo adduunba seejiyay shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay kala hoggaaminayaan siyaasiyiin indhow-garad ah oo dadka ku howlgeliya siyaasado aan sii qodnayn oo aan qabiil iyo qaran toona waxba u taraynin.

Halkan hoose ka eeg…

Hadalsame Media