(Nairobi) 16 Jan 2019 – Weerarka ayaa ku bilowday labo qarax waxaana xigay in rag hubeysan oo gudaha u galay Hotel Dusit2 oo ku yaala xaafada Westland ee Magaalada Nairobi shalay abaare markii saacaddu ahayd 3:30 galabnimo.
Ciidamada amaanka Kenya ayay ku qaadatay waqti dheer la taacaalida kooxaha hubeysan ee gudaha u galay Hotelka.
Dad badan ayaa cagoodaha ku fakaday waxaana jira kuwa kale oo ay soo badbaadiyeen Booliska iyo ciidanka amniga ee Kenya.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 ruux la xaqiijiyay inay weerarkaan ku dhinteen waxaana ka mid ah dadka dhintay muwaadiniin u dhashay dalalka Maraykanka iyo Ingiriinka. Dad ka badan 20 ruux ayaa dhaawacmay kuwaas ay ka mid yihiin muwaadiniin u dhashay dalalka qaar ka mid ah dalalka reergalbeed.
Weerarkan waxaa sheegatay ururka Al-Shabaab oo iyagu sheegay inay dileen 47 qof inkastoo aysan jirin cid xaqiijin karta sheegashada kooxdaan.
Waxaa wali saaka ka jira goobta weerarku dhacay jahawareer iyadoo aysan si rasmi ah u cadeyn haddii laga saaray gudaha Hotelka kooxdii ku jirtay ee hubeysanayd.
Hadalsame Media