(Baydhabo) 16 Jan 2019 – Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay halkaasi oo siweyn loogu dhaweeyay wafdiga Madaxwaynaha.
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana shalay gaaray wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxwayne kuxigeenka cusub ee Puntland, Axmed Karaash.
Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya ee maanta gaaray Baydhabo ayaa ujeedka socdaalkooda lagu sheegay ka qaybgalka xaflada caleema-saarka ee hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
Hadalsame Media