(Nairobi) 16 Jan 2019 – Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la soo afjaray weerarkii dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel ku yaala xaafada Westlands ee Magaalada Nairobi shalay galinkii dambe.
Weerarkan oo ku bilowday qaraxyo ayaa Madaxwaynaha Kenya waxaa uu sheegay in ugu yaraan 14 ruux lagu dilay.Hase ahaatee warar madaxbanaan ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay intaas ka badan tahay.
“Waxaan Idiin xaqiijin karaan, in dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday la dilay.. Howlgalkiina waa dhamaaday. Waxaan xaqiijinaynaa in 14 ruux ay dhinteen oo la dilay,” sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Kenyatta.
Howlgalkaan ayaa qaatay 20 saacadood ka badan waxaana ciidamada Kenya ku adkaatay inay gudaha u galaan Hotelka la weeraray, waxaana xiisada goobta la sheegayaa inay wali tahay mid kacsan.
Hadalsame Media