(Nairobi) 16 Jan 2019 – Mid ka mid dagaalyahannadii weeraray DusitD2 ayaa la sheegayaa inuu muddo ku noolaa guri uga ijaarnaa Guango Estate, Ruaka, kaasoo ay kiradiisu bishii tahay KSh 40,000 muddo 4 bilood ahna ku noolaa, sida ay booliisku u sheegeen Citizen TV.
Booliiska oo weerar ku qaaday No E9 ayaa halkaa ka helay god wayn oo lagu kaydiyay hub fara badan, kuwaasoo ay qaar badan booliisku goobtaa ka heleen.
Mid ka mid ah dersaanta ayaa ninkaa ku sheegay nin furfurnaa oo dersaanta salaan kala daali jirey, balse aan badanaa guriga joogi jirin. “Qof kasta haye ayuu dhihi jirey, balse qof garanayay ma jirin, maadaama uu had iyo goor guriga ka maqnaan jirey,” ayuu ninkaasi u sheegay Citizen TV.
Waxaa kale oo la aqoonsaday gaari looga tegey meel u muuqata ganjeelka DusitD2, halka gurigan la aqoonsaday ay booliisku ku raadinayaan xog la xiriirta shabakaddii uu ninkani ku xirnaa. Citizen Digital ayaa Fahamsan inay booliiska argagixiso la dirirtku ay iminka cayrsanayaan milkiilihii gurigan.
Citizen Digital ayaa horay u sheegtay in nimanka hoteelka weeraray ay maalmo ka hor booqdeen isla hoteelka oo ay ka cunteeyeen.
Kabalyeeri ka mid ah shaqaalaha hoteelka oo saxaafadda u warramay ayaa sheegay in uu maalmo kahor u khidmeeyay mid ka mid ah ragga meesha soo weeraray oo uu ugu yaraan mid wejigiisa xusuusto, kaasoo uu sheegay inuu rasaas ku firdhiyay 6 ka mid saaxiibadii isaga la shaqaynayay.
Hadalsame Media