Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka ka dhacay Magaalada Nairobi

0

(Muqdisho) 16 Jan 2019 – Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u ambaareesay weerarka lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Hadalsame Media