(Nairobi) 16 Jan 2019 – Wararka la helayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in weerarka ka dhacay Hotelka Dusit2 ee ku yaala xaafada Westelands ay dadka ku dhintay ka mid yihiin labo wiil oo dhalinyaro ah islamarkaana ka soo jeeda Soomaaliya.
Cabdalla Daahir iyo Faysal Daahir ayaa labadaba waxay ka soo jeedaan Gobolka Waqooyi beri ee Soomaalida waxayna ku geeriyoodeen qaraxii koowaad ee lagu dhuftay banaanka hore ee hotelka.
Dhalinyaradaan ayaa la sheegay inay u shaqeynayeen hay’ad NGO ah oo ka shaqaysa deegaanada Waqooyi Beri ee Kenya, waxaana ay la sheegayaa inay ahaayeen walaalo isla dhashay.
Weerarka ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay Masuuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab ayaa galaaftay noloshada dad badan halka kuwa kale ku dhaawacmeen.
Hadalsame Media