(Baydhabo) 15 Jan 2019 – Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uuna qeyb ka yahay Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Ujeedka safarka wafdiga ka socda Maamulka Puntland ayaaa salka ku hayo ka qeybgalka caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii hore la qorsheynayay in uu ka qeyb galo xaflada caleema saarka madaxweynaha Koonfur galbeed hase ahaate uu u baaqday howlo shaqo ,waxaana taas badalkeeda Baydhabo loo diray madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Xukuumaddii hore ee Puntland ee uu hoggaaminayay Cabdiwali Cali Gaas ayaa si weyn uga soo horjeeday doorashada uu kusoo baxay madaxweynaha Koonfur Galbeed ee la filayo in lagu caleemo saaro magaalada Baydhabo.
Madax ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyana la filayaa inay gaaraan Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan xaflada Caleema-saarka.
Hadalsame Media